Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Kulan Lagu Dhex Dhexaadin Lahaa Mas'uuliyiinta Isbaheysiga oo Dib Uchacay
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:323
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:146
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:118
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:458
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 03 2008
Kulan Lagu Dhex Dhexaadin Lahaa Mas'uuliyiinta Isbaheysiga oo Dib Uchacay
Written by Ali Moallim   
Thursday, 03 July 2008

Yemen,(insidesomalia.org)-Waxaa dib u dhac uu ku yimid kulan Dalka Yemen lagu dhex dhexaadin lahaa Mas'uuliyiinta Isbaheysiga dib u Xoreynta ee uu hareeyay khilaafka xaga fikirka ah.



Xubno uu horkacayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah Gudoomiyaha Isbaheysiga ayaa gaaray Dalka Yemen Magaaladiisa Sanca, kuwaasi oo ka qeyb galaya wada hadalada lagu heshiisiinayo Isaga iyo saaxibkiisa Sheekh Xasan Dahir Aweys oo mad madow uu soo dhex galay tan iyo markii uu bilowday Shirkii dib u heshiisiinta ee Dowladda iyo Isbaheysiga ee ka dhacay Dalka Jamhuuriyada Jabuuti.

Shirkaas lagu dhex dhexaadin lahaa dhinacyadaas ayaa u baaqday arrimo farsamo awgeed, waxaana la tilmaamay in wali shirka aysan soo xaadirin Kooxda Asmara ku sugan ee uu horboodayo Sheekh Xasan Dahir Aweys.

Dhex dhexaadinta dhinacyadaas ayaa waxaa garwadeen ka ah Siyaasiyiin, aqoon yahano iyo Culumaa'udiin ka baxay Gudaha Soomaaliya iyo qaar ka yimid dibeda.

Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah Isbaheysiga dib u xoreynta ayaa ku macneeyay dib u dhaca kulanka dhex dhexaadinta mid xaga duulimaadka ah, isagoo intaa ku daray in hakad ay ku timid diyaaradii ka imaan laheyd Asmara waa sida uu hadalka udhegeye.

Si kastaba ha ahaatee waxaa dhegta loo taagayaa wada hadaladaas lagu dhex dhexaadinayo Isbaheysiga oo tan iyo markii heshiiska ay gaareen dhinacii Sheekh Shariif horkacay ee Jabuuti ku sugnaa iyo qeybta kale ee Shekh Xasan Dahir hogaaminayo isku khilaafeen,taas oo keentey in loo qeybsamo Asmara iyo Jabuuti.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >